Real Madrid Oo Billowday Qorshe Halis Ah Oo Lagu Bartilmaameedsanayo 4 Daafac Oo Kooxahooda Muhiim U Ah

0
199

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa durba billowday qorshe fog oo ku saabsan suuqa kala iibsiga 2026, iyadoo kooxda ay bartilmaameedsneyso afar daafac oo caan ka ah Yurub, sida ay sheegayaan warar gudaha ah.

Daafacyada ay indhaha ku hayaan Los Blancos waxaa ka mid ah: Marc Guéhi (Crystal Palace & England), Ibrahima Konaté (Liverpool & France), Dayot Upamecano (Bayern Munich & France), iyo William Saliba (Arsenal & France). Dhammaantood waa xiddigo caalami ah oo si weyn loogu qiimeeyo kubbadda cagta Yurub.

Madaxda Real Madrid ayaa u arka in xoojinta difaaca ay tahay mudnaanta koowaad, maadaama dhowr ka mid ah daafacyada haatan jooga ay ku dhow yihiin dhamaadka xirfadooda. Ujeedkoodu waa in la helo jiil cusub oo hogaamiyayaal difaac ah mustaqbalka.