Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukrayn ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan kulan oo uu u kala dab qaadayo madaxweynaha maraykanka. Tani waxa ay ka dambaysay markii Trump uu Aqalka Cad ku qaabilay madaxweynaha Ukrayn iyo hoggaamiyayaasha Yurub.
Laakiin war qoraal ah oo ka soo baxay kaaliyaha la yidhaahdo Kremlin Yuri Ushakov habeenkii Isniinta ayaa lagu sheegay in kaliya ay “mudneyd” in la “odoraso suurtagalnimada kulan heerka wakiillada” ah oo dhex mara ergooyin ka kala socda Ruushka iyo Ukrayn.
Qodob kale oo muhiim ah oo laga hadlayo ayaa ah dammaanad qaadka amniga. Trump ayaa sheegay in dammaanad qaadka amniga ee Ukrayn ay siinayan” dalalka Yurub iyada oo Mareykankau uu taageerayo.
Raysal wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa BBC u sheegay in kooxo wada-xaajoodyada u qaabilsan UK ay dhawaan iman doonaan Washington si ay u sii qorsheeyaan arrintan






