Israa’iil oo cambaareyn gudaha iyo dibadda kala kulantay qorshaha la wareegitaanka Qaza.

0
13

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa sii kordhaya cambaareynta guddaha Israa’iil iyo dibadda ee la xiriirta go’aanka dowladda ee meel marinta qorshaha in milatari ahaan ay kula wareegaan magaalada Qaza.

Jarmalka ayaa meesha ka saaray hubka milatari ee loo dhoofinayo Israa’iil ee loo adeegsan karo dagaalka Qaza.

Guddoomiyaha Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa Israa’iil ugu baaqday inay dib u tixgaliso qorshaheeda.

Xamaas iyadana waxay mar kale xaqiijisay inaysan oggolaan doonin inay hubka dhigto ilaa la aasaaso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, taasoo ay uga jawaabayso mid ka mid ah shuruudaha muhiimka ah ee Israa’iil ku xirtay wadaxaajoodka xabbad-joojinta ee Qasa.