Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Barcelona ayaa qorsheyneysa inay adeegsato xeerka cusub ee La Liga ee loo yaqaan “diiwaangelinta gaabiska ah” si ay u diiwaangeliso Marcus Rashford iyo Joan García, sida uu sheegay Miguel Galán oo ah madaxa CENAFE, isagoo xiganaya Javier Gómez oo ka tirsan maamulka La Liga.
Xeerkan cusub wuxuu u oggolaanayaa kooxaha inay si ku-meel-gaar ah u diiwaangeliyaan saddex ciyaaryahan hal xilli ciyaareed, xitaa haddii aysan wali buuxin dhammaan shuruudaha dhaqaale ee mustaqbalka, iyadoo loo baahan yahay in kooxda ay lacagtaas dib u hesho inta lagu jiro isla xilli ciyaareedka.
Rashford ayaa noqonaya ciyaaryahanka keli ee ay Barcelona amaah kusoo qaadatay suuqa xagaaga, halka García – oo €25 milyan kaga yimid Espanyol – uu buuxinayo xadka xeerka uu u oggolaanayo in la diiwaan geliyo maadaama uu ku imid kooxda qiime hooseeya.
Tallaabadan ayaa siinaysa Barcelona fursad ay ku xoojiso kooxdeeda kahor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub, inkasta oo ay wajahayaan waajibaad maaliyadeed oo laga rabo in la daboolo mustaqbalka.