Toni Kroos Oo Si Lama Filaan Ah U Shaaciyay Sababtii Ku Qasabtay Inuu Ciyaaraha Ka Fariisto

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Khadka dhexe ee reer Jarmal Toni Kroos, oo hore ugu ciyaari jiray kooxda Real Madrid, ayaa ka hadlay go’aankiisii ahaa inuu ka fariisto ciyaaraha dhamaadka xilli ciyaareedkii hore.

Kroos ayaa yiri:

“Waxa ugu fiican waa inaad ka Fariisato ciyaaraha adiga oo wax-qabad leh; waxaad baxaysaa adiga oo dareemaya farxad, maadaama aad adigu go’aanka gaartay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray:

“Intaanan la iga dhigin keyd,maadaama waxqabadkaygii ama muhiimaddaydii ay hoos u dhacday, waxaan doorbiday inaan Howl gab noqdo.”

Kroos ayaa sheegay in go’aankan uu ahaa mid uu si qoto dheer uga fekeray:

“Muddo bilo ah ayaan arrintan ka fikirayay. Ma ahayn wax aan subax toosay ka dibna go’aansaday. Waxey aheyd arrin aan aad uga fekeray kahor intaanan go’aansan.”

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu go’aankan horay u qorsheeyay:

“Xitaa sanadkii ka horreeyay waxaan tixgelinayay inaan fariisto, balse ugu dambeyn waxaan go’aansaday inaan hal sano oo kale la sii joogo Real Madrid. Xilli ciyaareed adag ayuu ahaa, laakiin taas waxba kama bedelin fikirkeygii ahaa inaan sidaan ku fariisto.”

Wuxuu kusoo gabagabeeyay:

“Nasiib wanaag, waxaan ku guuleystay in aan sidaas sameeyo. Waxa aan qabtay xilli ciyaareedkii iigu dambeeyay waxay ahayd wax aan si ka fiican u qaban karin – waxaan tagay anigoo ku guuleystay horyaalka Spain iyo Champions League.”

Tani waxay muujinaysaa sida Kroos uu ugu guuleystay inuu xirfaddiisa ciyaareed ku soo afjaro si sharaf leh oo guul leh.