Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgium Kevin De Bruyne, ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu ugu biiray kooxda Napoli intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagan.
De Bruyne ayaa dhowaan si rasmi ah ugu biiray horyaalka Serie A kaddib markii uu ka tagay Manchester City, koox uu guulo waaweyn la gaaray.
Isagoo la hadlayay warbaahinta kahor ciyaarta saaxiibtinimo ee Napoli la ciyaarayso Arezzo Talaadada, De Bruyne ayaa sheegay in doorashadiisa Napoli ay ku saleysan tahay qorshaha cusub ee kooxda:
“Waxaan doortay inaan ku biiro Napoli sababtoo ah mashruuca kooxda waa mid hiigsanaya horumar ballaaran. Waxaan dareemay in kooxda si degdeg ah u kobceyso,” ayuu yiri De Bruyne sida uu sheegay Fabrizio Romano.
“Waan ku farxay markay ii soo bandhigeen qorshahooda iyo yididiilADooda mustaqbalka. Waxaan dareemayaa in halkaan aan kula tartami karno kooxaha ugu waa weyn – waana taas waxa aan rabay.”
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo De Bruyne dhawaan ugu baaqay tababaraha cusub ee Napoli Antonio Conte inuu lasoo saxiixdo saaxiibkiisii hore ee Jack Grealish, si mashruuca cusub ee kooxda uu u noqdo mid aad u xooggan.