Suuriya iyo Israa’iil oo heshiis xabbad-joojin ah gaaray.

0
65

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Safiirka Maraykanka u jooga dalka Turkiga ahna ergayga gaarka ah ee arrimaha Suuriya Tom Barrack ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo madaxa xukuumadda KMG ah ee Suuriya Axmad al-Sharaa ay ku heshiiyeen xabbad-joojin iyagoo taageero ka helaya dalalka Turkiga, Urdun iyo dalalka dariska ah.

“Waxaan ugu baaqaynaa Druze, Bedouins, iyo Sunniga inay hubka dhigaan oo ay la shaqeeyaan beelaha laga tirada badan yahay si ay u dhistaan aqoonsi cusub oo Suuriya ah,” ayuu Barrak ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Arbacadii, Israa’iil waxay duqaymo cirka ah ku qaadday Dimishiq, oo ay ku bar-tilmaameedsatay ciidammada dawladda ee ku sugan koonfurta, iyagoo dalbanaya in ay ka baxaan, iyada oo waqtigaas sheegtay in ay “u jeedday in ay ku difaacdo dadka reer Suuriya ee Druze”.

Dimishiq ayaa geysay ciidamadan ka dib markii ay isku dhaceen qabaa’ilka Bedouin iyo maleeshiyada Druze.