Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay ka dib markii ay kooxdiisu guuldaro 3/2 ah kala kulantay Barcelona Final-ka Copa Del Rey-ga.
Kooxda Barcelona ayaa 3 gool ka dhalisay garoonka La Cartuja Stadium ee Seville waxana Real Madrid u dhaliyay labada gool xiddigaha Mbappe Iyo Tchouameni.
Ancelotti ayaa ku yiri hadal uu soo saaray ciyaarta kadib“Waxaan maamulnay ciyaarta, waxaana u tartamaynay si wanaagsan, ma jirto meel cabasho ah.”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaanu uga dhowahey inaan ka badino kooxda naga soo hor jeeda”.
Kooxda Real Madrid ayaa ka hadhay koob kale iyada oo laga yaabo in ay koob la’aan ku dhamaysato xilli ciyaareedka.