Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa ku guuleysatay Copa Del Rey ka dib markii ay 3-2 ku garaacday Real Madrid ciyaar xiiso badan oo aysan waligood iloobi doonin taageerayaasha kubada cagta Spain.
Goolka ayaa yimid ka dib weerar cajiib ah oo ku bilowday Koparsi oo kubad dhexda ka galay, kaasoo kubad u dhiibay Lamine Yamal kaas oo dhinaciisa baas cajiib ah u dhiibay Pedri oo gool gantaal ah dhaliyay.
Kooxda Real Madrid ayaa daqiiqadii 70-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kylian Mbappé kaas oo laad xor ah oo cajiib ah ka dhaliyay meel ka baxsan xerada ganaaxa.
Ciyaaryahan Aurelien Tchouameni ayaa daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta u dhaliyay kooxda Real Madrid,kadib koorno uu soo qaaday Guler.
Ciyaaryahan Ferran Torres ayaa daqiiqadii 84-aad ee ciyaarta goolka barbaraha u dhaliyay kooxda Barcelona,kadib kubad uu si qurux badan uga dhex helay Lamine Yamal,waxana uu Torres si fiican uga faa’iidaystay isaga oo daba mariyay goolhayaha isla markaana uu shabaqa dhex dhigay.
Daqiiqadii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayuu muran badan dhashay kadib markii uu garsooruhu rigoore ku abaal mariyay xiddiga Barcelona ee Rafinha, balse wuu diiday ka dib markii uu la tashaday garsooraha caawiyaha garsooraha ee (VAR).
Ciyaarta ayaa intaa kadib gashay waqti dheeri ah kadib markii waqtigii caadiga ahaa ay kusoo idlaatay 2-2.
Xiddiga Jules Kounde ayaa daqiiqadii 116-aad ee ciyaarta u dhaliyay kooxda Barcelona goolkii 3-aad ee ciyaarta isaga oo kubad kala dhex galay isla markaana u sii hormaray ka hor inta uuna darbo xoogan ku dhalin goolhaye Courtois.
Ciyaartoyda Real Madrid ayaa daqiiqadihii ka haray isku dayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha, balse dadaalkooda ma noqon mid guuleesta, waxaana ugu dambeyn ku soo idlaaday guul ay u qalantay Catalans.