Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Arsenal ayaa war fiican ka Heshay tababarka iyada oo xiddiga Bukayo Saka ku woo laabtay qolka jimicsiga xilli uu ka soo kabsanayo dhaawac muruqa ah.
Xiddiga England Saka ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo markii uu lugta ka dhaawacmay kulankii Crystal Palace bartamihii bishii December.
Kooxda Arsenal ayaa ku sugan Dubai halkaas oo ay tababar ku qaadanayaan cimilada diiran ee magaaladaasi.
Saka waxa uu dhaliyay sagaal gool waxa uuna ka qeyb qaatay 13 caawin ka hor inta uusan dhaawicin. Ma cadda goorta uu taam u noqon doono inuu ku soo laabto shaxda kooxda.
Inkasta oo uu Saka tababar ku qaadanayo qolka jimicsiga hadana wali lama garanayo wakhtiga ku Soo laaban doono tababarka buuxa.