Howlwadeennada Caafimaadka Deegaannada Gobolka Mudug oo tababar u furmay.

0
27

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleeedka Galmudug Dr Maxamuud Axmed ayaa maanta tababar u furay qaar ka mid ah howlwadeennada Caafimaadka Deegaannada Gobolka Mudug.

Tababarkan ayaa lagu baran doonaa ilaalinta Caafimaadka Carruurta iyo Xanuunada ku dhaca kaas oo ay iska kaashanayaan taaba galintiisa Wasaaradda Caafimaadka XFS, Dowlad Galmudug iyo Hay’adda UNICEF.

Furitaanka Tababarkan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Madaxa Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Muscab Xasan Muuse waxaana uu fah-faahin ka bixiyay Ahmiyada uu Tababarkan leeyahay iyo baahiyaha loo qabo.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya