Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa 7 bilood oo hakad ah kaddib soo saartay go’aan ay dib ugu fasaxayso gudashada Cimrada.
Laga billaabo 4-ta bisha Oktoobar ee soo socota ayay dowladdu sheegtay in muwaadiniinta iyo ajaanibta deggan dalkaas ay cimreysan karaan iyada oo loo oggolaan doono 6,000 oo qof in ay cimreystaan taasi oo u dhiganta 30% dadkii cimreysan jiray, waxaa si aad ah loo ilaalin doonaa hannaanka caafimaadka iyo bedqabka si looga fogaado in uu bulshada ku dhex faafo xanuunka COVID19.
18-ka isla bisha Oktoobar ayaa Iyana la fasixi doonaa dadka doonaya in ay cimreystaan ee ka imanaya dalalka kale kuwaa oo tiro ahaan la qoondeeyay in ay noqdaan 15,000 oo qof oo u dhiganta 75% cimreystayaasha.
Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in billowga bisha Nofembar ay soo saari doonto liis ay ku xusanyihiin dalalka ay dadkooda cimreysan karaan ee ka fiyow xanuunka COVID19.
Tirada dadka cimreystay sanadkii hore ayaa gaartay 19 milyan oo qof.
Sacuudiga ayaa xanuunka COVID19 ee dunida ku faafay awgii sanadkan oggolaaday in kumannaan qof oo gudaha dalkaasi jooga oo kaliya ay gutaan waajibaadka xajka iyada oo ay xusid mudantahay in sanadkii hore ay dalkaasi gudashada xajka ay ka qeybgaleen 3 milyan oo qof kuwaas oo ka kala yimid dacallada dunida.
Warbixinnada dhanka dhaqaalaha ayaa muujiyay in Boqortooyada Sacuudiga ay adeegyada xajka iyo cimrada ay sanad walba ka hesho ku dhawaad 12 bilyan oo dollar.
Sacuudiga ayaa diiwaangeliyay in ka badan 33,000 oo bukaan oo qaba xanuunka Korona Feras halka tirada dadka xanuunkaasi ugu geeriyoodayna ay gaartay in ka badan 4,000 oo qof.