Horudhac: Manchester City vs Liverpool… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ka dhacaya garoonka Etihad)

0
176

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulammada todobaadka siddeedaad ee Premier League, waxaana uu ka qabsoomi doonaa garoonka Etihad, iyadoo ay halkaas ku wada dheeli doonaan labada kooxood ee ugu shidnaa horyaalka labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Man City ayaa fadhisa kaalinta 12-aad, halka Liverpool ay hoggaanka u haysto horyaalka Premier League haatan, marka laga cabir qaato kulammada la dheelay illaa iyo haatan.

Yeelkeede, labada kooxood waxaa u dhexeysa kaliya shan dhibcood, iyadoo Man City ay u kabo gashan doonto kulankan inay saddexda dhibcood gacanta ku dhigto si ay labo dhibcood uu ugu jirsato hoggaanka horyaalka iyo kooxda Reds.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad 08 Nof  2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 07:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Etihad Stadium

Garsooraha: Craig Pawson (England)

Wararka Kooxaha:-

Weeraryahanka Kooxda Manchester City ee Gabriel Jesus ayaa kaliya markiisii labaad ku soo bilaaban kara safka hore ee Premier League xilli ciyaareedkan, kaddib markii uu isagoo dhaawac ka yimid uu gooldhalintiisa ku soo laabtay kulankii ay guusha ka gaareen Olympiakos todobaadkii hore.

Sergio Aguero, Benjamin Mendy iyo Fernandinho ayaa sii joogteyn doona maqnaanshahooda.

Dhinaca kale Liverpool ayaa la filayaa inay soo dhoweyso daafacooda Joel Matip, kaasoo dhaawac ku seegay labadii kulan ee ugu dambeeyey.

Naby Keita ayaa diyaar ah kaddib markii uu dib ugu soo laabtay kooxda kulankii ay guusha gaareen Talaadadii ee Champions League, laakiin Thiago Alcantara ayaa weli maqan.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Manchester City ayaa guuleysatay saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka kula ciyaartay garoonkeeda kooxda Liverpool, waxaana kulammadaas la iska dhaliyey 11-1.

>- Waxa ay awoodaan inay kulammada sare ee horyaalka oo xiriir ah guuleystaan marka ay wajahayaan Liverpool markii ugu horreysay tan iyo ay afar guul oo isku xigta horyaalka ka gaareen intii u dhexeysay sanadihii 1935 iyo 1937.

>- The Reds ayaa ku guuldarreysatay inay shabaqeeda gool ka ilaashato tobankii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku soo ciyaareen meel ka baxsan garoonkooda, waxaana guud ahaan kulammadaas laga dhaliyey 26 gool.

>- Yeelkeede, Liverpool waa guuldarro la’aan (unbeaten) 11-keedii kulan oo ay horyaalka ciyaareen, iyagoo ah kooxda difaacanaysa horyaalka, tan iyo guuldarro 3-1 oo soo gaartay sanadkii 1977-kii.

Manchester City

>- Manchestere City ayaa u jeedkeedu yahay inay guulo xiriir ah gaaraan horyaalka markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan.

>- Waxa ay guuleysteen sagaal ka mid ah 10-kii kulan ee la soo dhaafay oo ay Premier league ku wajaheen kooxaha difaacanaya markaas horyaalka.

>- Inay haystaan 11-dhibcood kaddib lix kulan oo horyaalka ay ciyaareen waa heerkoodii ugu hooseeyey tan iyo markii sidaan oo kale dhibco intaas la eg ay heleen lix kulan oo ay dheeleen fasal ciyaareedkii 2014-15 markaasoo ay ka hoos ciyaarayeen Macallin Manuel Pellegrini.

>- 11-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ee Pep Guardiola uu maamule ahaa, kooxihiisu had iyo jeer waxay lahaayeen ugu yaraan 16 dhibcood kaddib marka ay ciyaaraan toddobo ciyaarood oo horyaalkooda ah.

>- Man City ayaa la arki karaa shan kulan oo Premier League iyadoo dhalinaysa wax aan ka badnayn hal gool markeedii ugu horreysay muddo 11-sanadood ah.

>- Waxa ay Man City hal guuldarro u jiraan 100 guuldarro oo horyaalka Premier League ku soo gaara garoonkooda.

>- Guardiola oo siddeed guuldarro kala kulmay Jurgen Klopp oo uu wajahay ayaa ah rikoorkiisii ugu xumaa ee uu kala kulmo tababare kasta.

Liverpool

>- Liverpool ayaa laga badiyay afar kulan oo Premier League ah sanadkan 2020, waana tiro la mid ah guuldarradooyinkii ay la kulmeen marka la isku daro labadii sano ee la soo dhaafay.

>- Waxay badiyeen kaliya saddex ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay marti ahaayeen, lixda kulan ee kalena waxa ay 2 ka mid ah la kulmeen barbaro, halka 4 kulan laga soo adkaaday, kaddib 16 guul oo ay gaareen 17 kulan.

>- Liverpool ayaa laga dhaliyay 15 gool kaddib toddobo kulan oo Premier League ah, waana goolashii ugu badnaa ee heerkaan looga dhaliyo xilli ciyaareedka horyaalka tan iyo fasal ciyaareedkii 1964-65.

>- Reds ayaa laga dhaliyay 27 gool oo Premier League ah tan iyo markii ay ku guuleysteen horyaalka bishii June, waana wadajirka ugu badan ee koox kasta oo heerka sare ah muddadaas.

>- Mohamed Salah ayaa dhaliyey 80 gool oo Premier League ah 115 kulan tan iyo kulankiisii ugu horreeyey ee Liverpool sanadkii 2017, waana in sagaal ka badan ciyaaryahan kasta oo kale oo heerka sare ah muddadaas.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-