3 qof oo ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay meel u dhow Magaalada Denver.

0
158

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saddex qof ayaa dhintay kadib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood oo yar yar shalay oo Sabti ah, meel u dhow magaalada Denver ee gobolka Colorado ee dalka Mareykanka.

Ilo-wareedyo ka tirsan Booliska gobolkaasi ayaa sheegay inay burburka diyaaradda ka dhex heleen labadii qof ee la socday mid ka mid ah labada diyaaradood oo mayd ah, waxaanay sidoo kale goob kale ka heleen rakaabkii diyaaradda labaad oo mayd ah oo ku dhex jira burburka diyaaradda.

Maamulka deegaanku ma aysan shaacinin aqoonsiga dhibanayaasha, halka Guddiga Badbaadada Gaadiidka Qaranka uu sheegay in baaritaan uu ku socdo isku waxa sababay isku dhaca labada diyaaradood.

Warbaahinta Mareykanka ayaa soo xiganeysa tiro dad ah oo ku sugan aaggaas in ay goob joog ka ahaayeen xilliga uu shilku ka dhacay wax yar ka hor 9-kii subaxnimo ee xilliga maxalliga ah.