Harry Kane Oo Taariikh Cusub Ka Sameeyey Horyaalka Jarmalka Ee Bundesliga

0
28

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa rikoodh taariikhi ah looga diiwaangeliyey horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga xilli-ciyaareedkiisii koowaad, waxaana uu sameeyey arrin aanay jirin ciyaartoy kale oo uga horreeyey abid.

Harry Kane oo xagaagii ay Bayern Munich kala soo wareegtay Tottenham, ayaa inkasta oo ay kooxdiisu lumisay horyaalka Bundesliga oo ay 11kii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah ugu guuleysanaysay, waxa haddana isaga loo diiwaangeliyey rikoodh cajiib ah.

Bayern Munich oo £82 milyan oo Gini kasoo bixisay Kane, waxa uu u dhaliyey 42 gool oo dhamaan tartamada ah, kuwaas oo 31 ka mid ah uu ku dhaliyey 35 ciyaarood oo horyaalka Bundesliga ah oo uu saftay.

Laacibkan ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee 17 kooxood oo kala duwan goolal ka dhaliya ama caawiyey goolal horyaalka Bundesliga oo ka kooban 17 naadi, taas oo ka dhigan in dhamaan kooxaha horyaalka Bundesliga uu goolal ka dhaliyey ama sameeyey kubbado laga dhaliyey oo uu caawintiisa leeyahay.

Waxa kale oo uu maanta oo uu laba gool dhaliyey uu Harry Kane buuxiyey tirada 400 gool oo uu dhaliyey intii uu ku jiray kubadda cagta, haddana waxa uu hiigsanayaa in uu gaadho rikoodhkii 41ka gool ee Bundesliga ee uu sameeyey Robert Lewandowski oo ay muuqato in aanu gaadhaynin.

30 jirkan ayaa waxa ay kooxdiisu hadda isku diyaarinaysaa ciyaarta Real Madrid ee lugta hore ee wareegga semi-finalka Champions League ee Salaasada, waana koobka kaliiya ee xilli-ciyaareedkan ay Bayern Munich fursadda u haysato inay ku guuleysato.