Real Madrid Oo Hal Gacan Ku Qabsatay Koobka Horyaalka, Kaddib Guul 3-2 Ah Oo Ay Ka Gaadhay Barcelona

0
81

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa hal gacan kusii qabsatay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo ay 11 dhibcood hoggaankiisa ku qabatay kaddib markii ay 3-2 ku garaacday Barcelona oo marti ugu ahayd Santiago Bernabeu.

Real Madrid ayaa iska reebtay Barcelona oo dhamaan ka quusatay koobabkii ay ku tartantay xilli-ciyaareedkan, waxaanay guushani u xaqiijisay in iyadoo lix ciyaarood hadhsan yihiin ay 11 dhibcood hoggaanka ku qabato.

Jude Bellingham ayaa go’aamiyey guusha Real Madrid oo goolka libinta keenay u dhaliyey waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, waana markii saddexaad ee ay Real Madrid garaacdo Barcelona xilli-ciyaareedkan, iyagoo hore ugu karbaashay finalkii Spanish Super Cup ooay bishii January ku xasuuqeen 4-1 iyo is-araggii ee horyaalka LaLiga oo bishii October ay Los Blancos guul 2-1 ah kasoo gaadhay Barcelona oo ku sugnayd garoonkeeda.

Barcelona ayaa gool degdeg ahaa kaga nixisay Real Madrid daqiiqaddii 6aad, markaas oo koorne lasoo qaaday Raphinha uu madax awood badan ku qabtay Andreas Christensen oo waqti hore kooxdiisu ay ku dabbaal-degtay.

Goolkani ma noqonin mid sii waara, waxaanay Real Madrid keentay goolka barbarraha daqiiqaddii 18aad, markaas oo Vinicius Junior uu gool u beddelay rikoodhe uu difaaca Barcelona ee Cubarsi ku galay Lucas Vazquez.

Real Madrid oo ahayd kooxda inta badan ciyaarta ku gacan sarraysay ayaa waxa ay mar kale lagala hormaray gool uu Barcelona u dhaliyey Fermin Lopez qaybtii labaad, waxyar kaddib markii ay Barcelona ku doodday inay gool tahay kubbad ay garsoorka iyo VAR diideen oo u muuqanaysay inay xariiqda ka gudubtay.

Saddex daqiiqadood kaddib goolka labaad ee Barcelona, ayay Real Madrid ciyaarta ka dhigtay barbarro daqiiqaddii 73aad, markaas oo kubbad uu Vinicius Junior dhinaca bidix kasoo tuuray uu lugta u saaray Lucas Vazquez oo shabaqa ku hubsaday, isaga oo isku soo tuuray kubadda.

Ciyaarta oo sii dhamaanaysa oo ay socdaan afar daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray, ayay Real Madrid keentay goolka guusha oo uu u dhaliyey Jude Bellingham oo darbad xooggan lugta bidix ku dhamaystiray isaga oo kubbad ka helay goolka hortiisa.

Guushan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay yeelatay 81 dhibcood iyadoo lix ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin xilli-ciyaareedka, waxaanay 11 dhibcood ka horreeyaan Barcelona oo 70 dhibcood haysata oo kaalinta labaad fadhida.