Ficil Uu Sameeyay Antony Ka Dib Guushii FA Cup Ee Man United Oo La Cambaareeyay

0
101

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Antony ayaa lagu cambaareeyay ficil bilaa xishood ah oo uu ku kacay ka dib guushii ay Man United ka gaartay Coventry City ee semi-finalka FA Cup.

Man United ayaa u soo baxday finalka FA Cup oo ay la ciyaari doonaan deriskooda Man City ka dib markii ay rigoore uga badiyeen kooxda heer labaad.

United ayaa 3-0 ku hogaamineysay ciyaartii Wembley ka hor inta aysan Coventry barbareynin iyadoo la isla aaday waqti dheeri ah ka hor inta aan lagu kala bixin rigoore ay ku badisay United.

Durbadii uu Hojlund rigoorada guusha u dhaliyay Man United, inta badan xiddigaha kooxda Shayaadiinta Cas Cas waxay muujiyeen ixtiraam iyagoo sabar siinayay ciyaartoyda Coventry oo dadaal xoogan muujiyay.

Si kastaba, Antony ayaa u dhaqmay si ka duwan sidaas. Xiddigaha reer Brazil ayaa ku digtay taageerayaasha Coventry iyo ciyaartoyda ka dib markii ay kooxdiisa ka badbaaday guuldarro ceeb ah.

Sida ay shegtay Manchester Evening News, Antony ayaa ku hor dabaaldegay taageerayaasha Coventry isagoo gacmaha dhegaha saartay, si la mid ah wuxuu ku hor dabaaldegay ciyaartoyda.

Laakiin taas cagsigeeda daafaca Man United Harry Maguire ayaa durbadiiba salaamay mid kasta oo ka mid ah ciyaartoyda Coventry City.

Joornaaliistaha Sean Walsh ayaa ficilka Antony ku qeexay: “Mid ka mid ah falalkii ugu ceebta badnaa ee aan abid arko.”

Isagoo u hadlayay BBC Radio 5 Live, Clinton Marrison ayaa isna yiri: “Antony waa inuu naftisa diirada saaro sababtoo ah waxaa macquul ah inuu heerka labaad ka ciyaaro xilli ciyaareedka soo socda.”