Weerarkii gantaallaha Iran oo jahwareer ku ridey socdaalka hawada dunida

0
20

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ayaan weli ka soo waaqsan qalqalkii ka soo gaarey xiisadda ka soo cusboonaatay Bariga Dhexe, ka dib markii qaar badan oo ka mid ah duullimaadyadii la hakiyey, qaar kalena laga weeciyey dhabbayaashii hawada ee ay ku safrijireen.

Dib u jiheynta duullimaadyada caalamiga ah ayaa saameyn daran ku yeeshay shirkadaha diyaaradaha isaga goosha qaardaha Yurub iyo Asia. Sidoo kale dadweyne badan ayaa ku go’doomay garoomada qaar, halka kuwa kalena lala maray meel aan marinkoodi ahayn.

Sida laga dheehan karo shaashadaha lagala socdo dhaqdhaqaaqa duulista hawada, inta badan diyaaradihii mari jirey hawada ku beegan dhulka xasaraduhu ka jiraan ayaa loo duwey meelo kale ammaan la biday ama la baajiyey, taas oo jahwareer ku ridey socdaalka hawada.