Qorshaha Mikel Arteta Ee Suuqa Oo Lasii Ogaaday – Xiddigaha Baxaya Iyo Kuwa Uu Ku Xoojinayo Safkiisa.

0
85

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa calaamadsatay dhawr ciyaartoy oo ay isku xoojin doonto suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, waxaana ay diiraddoodu saaran tahay garabka weerarka kooxda Athletic Bilbao ee Nico Williams iyo xiddigo kale oo waaweyn.

Tababare Mikel Arteta ayaa maamulka kooxdiisa Arsenal u gudbiyey liiska ciyaartoyda uu doonayo in loo keeno xagaaga soo socda, kuwaas oo uu rumaysan yahay in haddii uu helo ay kooxdiisu koobab ku guuleysan doonto.

Mikel Arteta ayaa hore u doonayey garabka weerarka reer Portugal ee Pedro Neto oo u dheela kooxda Premier League ee Wolves, laakiin waxa haddana liiskooda soo galay Nico Williams oo ay da’diisu tahay 21 jir oo sannadkii hore heshiis cusub oo waqti dheer ah, laakiin Arsenal ma aha kooxda kaliya ee doonaysa Williams oo u ciyaara xulka Spain waxaase hore u xiisaynayay kooxaha Real Madrid, Aston Villa iyo Liverpool.

Gunners ayaa waxa ay Nico Williams u doonaysaa in uu noqdo beddelka Bukayo Saka oo ay ogsoon yihiin inhaddii uu dhaawacmo uu wiiqmi doono weerarkoodu, isla markaana aanay haysanin ciyaartoy booskaas uga dheeli karaya sidiisa oo kale.

Gunners ayaa waxa kale oo ay qorshaheeda ku darsatay weeraryahanka reer England ee Ivan Toney oo ay kooxdiisu shaacisay inuu ka tegi doono xagaaga oo ay iibin doonaan iyo khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad iyo xulka Spain ee Martin Zubimendi.

Arsenal ayaa waxa kale oo ay diyaar u tahay in ay iska dirto saddexda ciyaartoy ee Thomas Partey, Emile Smith Rowe iyo Eddie Nketiah