Isku-aadka Wareega SIDDEEDDA Koobka Qaramada Afrika Oo La Shaaciyey.

0
99
The trophy of the Africa Cup of Nations (CAN) is pictured on the stage during the CAN 2024 official draw at Parc des Expositions in Abidjan, southeastern Ivory Coast, on October 12, 2023. (Photo by Issouf SANOGO / AFP) (Photo by ISSOUF SANOGO/AFP via Getty Images)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Siddeed waddan ayaa iskugu soo hadhay tartanka qaramada Afrika ee ka socda waddanka Ivory Coast, kaddib markii Salaasadii lasoo gabogabeeyey wareeggii hore ee 16ka oo ay laba waddan kusoo gudbeen laba kalena ku hadheen.

Waxa la sugayey natiijooyinka ciyaarihii Morocco vs South Afrika iyo Mali vs Burkina Faso, waxaana uu nasiibku dhinacooda raacay iyagoo dedaal ku ladhacay labada dal ee South Afrika iyo Mali, halka Morocco iyo Burkina Faso ay ciyaartoydooda iyo taageereyaashooduba dib ugu noqon doonaan waddamadooda.

Xulka qaranka Angola ee lagu naanayso ‘Parancas Negras’ ayaa noqday dalkii koowaad ee Sabtidii usoo gudbay wareegga siddeedda markii ay cashar u dhigeen Namibia, waxaana soo raacay Nigeria oo iyaguna meesha ka saaray Cameroon oo marka horeba si cidhiidhi ah kaga soo gudubtay wareeggii hore ee Group-yada.

Xulka martigelinaya tartanka ee Ivory Coast ama Côte d’Ivoire oo ka mid ahaa dalalkii ku hadhay wareeggii koowaad ee kaalmaha saddexaad ka galay hormooyinkooda, laakiin nasiibkoodu ku daray afar dal oo lagu buuxiyey tirada 16ka xul maadaama 12 dal ay si toos ah uga soo gudbeen wareeggii 1aad oo loo baahday afarta dal ee ugu dhibcaha badnaa xulalkii kaalmaha saddexaad ka galay hormooyinkooda, ayaa waxa ay meesha ka saareen oo ay tartanka ka reebeen Senegal oo ahayd dalka koobka difaacanayay.

Rikoodheyaal ayay Côte d’Ivoire ku garaacday Senegal iyadoo rikoodhihii ugu dambeeyey uu u dhaliyey Frank Kessi oo si deggen shabaqa usoo taabtay.

Waxa kale oo soo gudbay Cape Verde oo rikoodhe uu waqti dambe u dhaliyey ku dhaafay Mauritiania, waxaanay u tahay markii koowaad ee taariikhda ay yimaaddaan siddeed-dhamaadka.

Ciyaar musalsal ahayd waxay Axaddii kala saartay Guinea iyo Equitorial Guinea, waxaana 1-0 kusoo gudubtay Guinea oo uu hormood u yahay Naby Keita, hase yeeshee xasuusta ugu weyn ee laga diiwaangeliyey tartanku waa in DR Congo ay garaacday Masar oo ka mid ahayd dalalka aadka loogu saadaalinayay, ka hor intii aanay South Afrika oo lagu naanayso Bafana Bafana aanay ka takhalusin 10 ciyaartoy oo Morocco ah.

Isku-aadka wareegga siddeedda

Nigeria ayaa imtixaan adag mari doonta, waxaanay waajihi doontaa dalkii ugu soo hor gudbay ee Angola oo ay Jimcaha ballansan yihiin, halka DR Congo ay iska hor iman doonaan waddanka ku hubaysan xiddigaha khibradda leh ee Guinea oo iyaguna Jimcaha dheeli doona.

Ciyaarta sida weyn loo sugayo waa dalka martida loo yahay ee Côte d’Ivoire ama Ivory Coast oo Sabtida martigelin doona Mali oo ka mid ah dalalka ciyaartoyda ugu badan ee Afrikaanka ah soo saara, isla markaana u dira qaaradda Yuurb, iyadoo wareegga siddeedda lagu soo xidhi doono Cape Verde iyo South Afrika oo iyaguna Sabtida dheeli doona.

Isku-aadka oo dhamaystiran

1. Nigeria vs Angola – Waqtiga la ciyaarayo: Jimce, February 2, 2024

2. DR Congo vs Guinea – Waqtiga la ciyaarayo: Jimce, February 2, 2024

3. Mali vs Cote d’ivoire –  Waqtiga la ciyaarayo: Sabti, February 3, 2024

4. Cape Verde vs South Africa –  Waqtiga la ciyaarayo: Sabti, February 3, 2024