Nigeria Iyo Angola Oo Usoo Gudbay Wareegga Siddeedda, Murugada Cameroon Oo La Hoyatay Iyo Onana Oo U Duulaya Manchester

0
90

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tartanka qaramada Afrika ayaa waxa labadii waddan ee ugu horreeyey ay iska xaadiriyeen wareegga siddeedda, iyadoo la sugayo inay kusoo biiraan lix dal oo kale oo saddexda maalmood ee soo socda kusoo kala bixi doona.

Nigeria ayaa tartanka ka cidhib-tirtay Cameroon oo ku jirta xaalad adag, waxaanay ku garaacday 2-0 iyadoo labada goolba uu is-raacsaday xiddiga kooxda Atalanta ee Ademola Lookman oo labadii qaybood ee ciyaarta kala dhaliyey labada gool isaga oo hadiyado ka helay Victor Osimhem iyo Bassey.

Xulka Nigeria oo inta badan ciyaarta maamulayay ayaa qaybtii horeba heshay gool ay VAR ka diidday oo uu u saxeexay Semi Ajayi, kaas oo dhawr daqiiqadood ay qaadatay in la hubiyo inuu laacibkani ku jiray offside.

Daqiiqaddii 36aad ayay Nigeria si buuxda hoggaanka ugu qabatay gool qurux badan oo uu u dhaliyey Lookman oo kubbad khadka dhexe looga soo dhiibay Osimhem lasoo gaadhay laynka dushiisa, kaddibna xerada ganaaxa dhaxdeeda u dhigay Lookman oo darbad lugta midig ah ku ganay goolka, waxaanay kubaddu xoog kusii jiidhay goolhaye Fabrice Ondoa.

Goolkan ayaa ahaa midka kaliya ee labada xul ay kala dhaliyeen illaa laga gaadhayey daqiiqaddii 90aad, markaas oo Lookann uu shakiga ka saaray guusha dalkiisa ee ay culayska ku hayeen weeraryahannada Cameroon oo u muuqanayay in kaliya ay dagaal lasoo galeen garoonka.

Kubbad uu Calvin Bassey kasoo dhiibay dhinaca bidix ayaa waxa sii raaciyey Lookman oo isaga oo aan kubadda joojin u leexiyey dhinaca goolka, sidaasna ciyaarta kaga dhigay 2-0.

Cameroon oo marka horeba kusoo baxday si dirqi ah ayaa waxa guul-darradeedan ku farxaysa Manchester United oo dib u helaysa goolhaye Andre Onana oo dib ugu laaban doona UK.

Nigeria ayaa waxay sidaas ku noqotay dalka labaad ee usoo gudbay wareegga sidddeedda, waxaana ka horreysay Angola oo maanta 3-0 ku garaacday Namibia, isla markaana noqotay dalka koowaad ee soo gudbay.