DEG-DEG: Xavi Hernandez Oo Iska Casilaya Barcelona

0
81

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa shaaciyey inuu ka tegayo kooxdaas oo aanu sii ahaan doonin tababare, kaddib xilli-ciyaareed adag oo ay guul-darrooyin iyo natiijooyin liita la yimaaddeen.

Barcelona ayaa waxa caawa 5-3 ku karbaashtay Villarreal oo waliba marti u ahayd, iyadoo Arbacadiina ay Athletic Bilbao ku karbaashtay 4-2 oo ay ka reebtay tartanka Copa del Rey.

Xavi oo la hadlay saxaafadda waxyar kaddib ciyaartii guul-darrada ee Villarreal, ayaa yidhi: “Waxa aaby gaadhnay meel aannaan kasoo laaban karaynin, waa waqtigii isbeddel la samayn lahaa. Waxay ila tahay in la gaadhay waqtigii aan tegi lahaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Maanta ayaan la hadlay boodhka maamulka kooxda, waxaanan u sheegay in aan tegi doono 30ka June.”

Xavi oo qiimayn ku samaynayay fursadda kooxdiisa ee horyaalka LaLiga, ayaa yidhi: “Waxay ila tahay in aanu ku dagaallami karayno LaLiga, inkasta oo 10 dhibcood la naga horreeyo. Waxa jira dareen ah in kooxdu ay horumari doonto kaddib marka aan ka tago.

“Anigana waxa igu jira dareenka ah in aan wax fiican soo qabtay, in aan ku shaqeeyey waaqica, anigana kooxda ayaa iga sarraysa, go’aankaygana waan u sheegay madaxweynaha.”