Champions!! Real Madrid Oo Xasuuq Ay U Geysatay Barcelona Ugu Guuleysatay Koobka Spanish Super Cup

0
57

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobkeedii koowaad ee xilli-ciyaareedkan oo noqday Spanish Super Cup oo ay ku garaaceen Barcelona oo ay finalka iskugu soo baxeen, halka wareeggii semi-finalkana ay kusoo jiidheen Atletico Madrid.

Real Madrid ayaa guul ay u qalmaysay ku bahdishay Barcelona oo kaliya magacu uu ahaa midkii ay taageereyaashu yaqaanneen, laakiin ciyaartoydu aanay dheelaynin kubaddii looga bartay.

Los Blancos ayaa siday doonto ka yeeshay Barcelona, waxaanay ku xasuuqday 4-1, waxaana saddexlay ka mid ah goolashaas ku niyad-jabiyey Vinicius Junior oo markiisii koowaad ka dhaliyey Barcelona saddex gool oo hal kulan ah.

Daqiiqaddii 7aad ayuu Vinicius Junior ka daba baxay difaaca Barcelona oo is-dhigtay, waxaana kubbad uu badhtamaha garoonka uga tuuray uu ula tegay goolhaye Inaki Pena oo uu dhinac kasii maray, kaddibna ku hubsaday goolka oo cidlo ahaa.

Saddex daqiiqadood kaddib ayay Real Madrid u dabbaal-degtay goolka koowaad oo isaguna ahaa weerar rogaal-celis ahaa. Toni Kroos ayaa kubbad dhinaca midig ugu tuuray Rodrygo oo weydaartay difaaca Barcelona oo mar kale illoobay inay goolkooda waardiyeynayaan, waxaana uu kubadda goolka hortiisa u dhigay Vinicius Junior oo isku tuuray, isla markaana labada lugood oo wada-jir ah ugu leexiyey goolka iyadoo Ronald Araujo oo ay shaqadiisu ahayd inuu waardiyeeyo Vinicius Junior oo u maare waayey.

Robert Lewandowski ayaa dib usoo celiyey niyadda ciyaartoyda Barcelona, waxaana uu daqiiqaddii 33aad u dhaliyey gool uu bannaanka ka toogtay oo uu darbad xooggan weydaariyey goolhaye Andriy Lunin, sidaasna uu ciyaarta kaga dhigay 2-1.

Laakiin lix daqiiqadood kaddib ayaa uu Ronald Araujo uu qalad ku galay Vinicius Junior, waxaana loo dhigay rikoodhe uu laacibka reer Brazil gool u beddelay oo uu ciyaartana kaga dhigay 3-1, isagoo xaqiiqsaday saddexlaydiisii ugu horreysay ee uu ka dhaliyo Barcelona.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Barcelona culays badan soo saartay goolka Real Madrid, laakiin xiddigaha Los Blancos ayaa ku ciyaarayay deggenaan iyo difaacooda oo ay ilaashadeen, waxaana Real Madrid gool afraad u dhaliyey Rodrygo Goes.

Jude Bellingham, Fede Valverde, Tchouameni iyo Brahim Diaz ayaa khasaariyey fursado ay goolasha ugu sii dheerayn lahaayeen Real Madrid, halka Barcelona uu qaybta labaad casaan kaga baxay Ronald Araujo oo ay u ahayd habeen murugo badan.