Afar Kooxood Oo Isla Kufay, LABA Ciyaartoy Oo Inkaartii Haysatay Soo Ajfaray Iyo Wixii Maanta Ka Dhacay Horyaalka Premier League

0
54

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa maanta iyo caawa ay ka dhaceen dhacdooyin xiise lahaa oo afar kooxood u diiday inay wax guulo ah gaadhaan, iyagoo intooduba min hal dhibic kaliya ka helay kulamo adkaa oo si weyn indhaha loogu hayay.

Manchester United ayaa garoonkeeda ku martigelisay Tottenham oo ay waliba daqiiqaddii saddexaadba gool kaga naxsatay, iyadoo uu shabaqa soo taabtay Rasmus Hojlund oo dhaliyey goolkiisii labaad ee horyaalka Premier League.

Daqiiqaddii saddexaad ayaa Hojlund uu dhaliyey goolka koowaad ee kooxdiisa Manchester United, laakiin waqti badan kuma aanay qaadanin Tottenham inay keento goolka barbarraha oo uu madax ugu dhaliyey weeraryahanka Brazil ee Richarlison oo kubbad koorne ahayd madax awood badan ku qabtay daqiiqaddii 19aad.

Ciyaarta oo ahayd mid dheelli-tiran oo labada kooxood ay mid kubadda daadahaynaysay, ayaa waxa sidoo kale qayb libaax ka qaatay labada goolhaye oo bandhig heersare ah sameeyey isla markaana sameeyey badbaadin badan.

Tottenham ayaa markii ay keentay goolka barbarraha waxa ay dejisay ciyaarta, waxaanay la wareegtay khadka dhexe iyadoo kubadda u diidday ciyaartoyda Manchester United oo difaaca ku ururay si ay u ilaashadaan shabaqooda, halka ay sidoo kalena weerarro rogaal-celis ah oo degdeg ahaa ku ekaynayeen goolka Spurs.

Marcus Rashford ayaa hoggaanka usoo celiyey Manchester United dhamaadka qaybta hore oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan tahay, markaas oo kubbad uu ka helay garabka midig uu difaaca lasoo dhax-irday, isla markaana uu darbad xooggan ku toogtay goolka oo ay dhinaca bidix ee goolhaye Vicario ka haleeshay shabaqa.

Goolkan ayaa Marcus Rashford uu kaga baxay abaar dhinaca gool-dhalinta ah oo uu xilli-ciyaareedkan la dhibaatoonayo, sida Rasmus Hojlund oo kale.

Cristian Romero ayuu nasiibku diiday waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaartya oo ay kubaddu kaga dhacday birta, iyadoo Diogo Dalot uu kubbad labaad oo goolhaye Onana dhaaftay uu kasoo celiyey iyadoo laynka kasii gudbaysa oo uu madaxa u dhigay, waxaanay qaybta hore ku dhamaatay iyadoo ay Red Devils hoggaanka hayso.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay laba daqiiqadood oo kaliya socotay ayay Tottenham gool degdeg ahaa kaga nixisay Manchester United, waxaana shabaqooda kubadda u weydaariyey Bentancur oo hadiyad ka helay Timo Werner oo ay u hayad ciyaartiisii koowaad ee uu Tottenham u safto, waxaanay sidaas ciyaartu ku noqotay 2-2.

Spurs ayaa intaa wixii ka dambeeyey waxay awood u yeelatay inay siday doonto ka yeesho garoonka, waxaanay goolka United toogteen 16 jeer oo lix ka mid ah ay goolka ku aaddiyeen, kuwaas oo saddex ka mid ah uu Andre Onana badbaadiyey, halka Manchester United ay ciyaarta oo dhan goolka toogatay sagaal jeer oo laba ka mid ah oo goolal noqday ay kubadda ku hagaajiyeen goolka.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Tottenham ay ku jirto kaalinta shanaad oo ay leedahay 40 dhibcood, waxaanay isku mid yihiin Arsenal oo farqiga goolasha kaga horreysa, halka Manchester United ay ku jirto kaalinta toddobaad oo ay 32 dhibcood ku haysato.

Dhinaca kale, Aston Villa ayaa iska lumisay fursad ay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League kagala wareegi lahayd Man City, waxaanay kusoo kuftay Goodison Park oo ay barbarro goolal la’aan ah kula soo gashay Everton.

Ciyaartan oo min hal gool ay VAR ka diidday Aston Villa iyo Everton ayaa waxa ay kusoo dhamaatay goolal la’aan, waxaana natiijadani ay ka dhigan tahay in Aston Villa ay ku jirto kaalinteedii saddexaad iyadoo farqiga goolasha kaga dambaysa Manchester City oo ay isku dhibco yihiin, halka Everton ay ku jirto kaalinta 17aad oo ay ku haysato 17 dhibcood.