Virgil van Dijk Oo Magacaabay Afarta Weeraryahan Ee Premier League Ee Nafta U Keenay

0
108

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa magacaabay afar weeraryahan oo horyaalka Premier League ka ciyaara oo nafta ku keenay, isla markaana uu ku dhibaatooday sidii uu u joojin lahaa.

Difaacan reer Netherlands oo sannadkii 2015 ay Liverpool £75 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Southampton, ayaa sagaalkii sannadood ee uu joogay Anfield waxa uu ka mid ahaa difaacahannada ugu wanaagsan adduunyada.

Si joogto ah ayuu ugu dheelayey kooxdiisa oo uu ka haystay boos aan gorgortan geli karaynin marka laga reebo muddo sannad ku dhoweyd oo uu dhaawac ku maqnaa, waxaana uu ka hor tegay ciyaartoyda ugu fiican dunida qaarkood.

32 jirkan ayaa la weydiiyey weeraryahannadii ugu adkaa ee uu ku dhibaatooday joojintooda ee uu la kulmay, waxaana uu markiiba lasoo booday weeraryahankii hore ee Arsenal iyo Chelsea ee Olivier Giroud, isaga oo yidhi: “Waxa ugu horreeya Olivier Giroud, sababtoo ah waa weeraryahan ay adag tahay in lala ciyaaro.

“Mar walba waxa aad ka fikiraysaa sidii aad u joojin lahayd, si fiican ayaad u calaamadsanaysaa, haddana si uu kaaga baxsadaba wuxuu kaa dhalinayaa gool ama laba. Waxa uu ku dhalinayaa madax, lugta, jilibka, inta badanna goolal ayuu iga dhaliyey.”