Chelsea Oo Guushii SADDEXAAD Oo Xidhiidh Ah Heshay Xilli Uu Palmer Hoggaanka U Qabtay Gool-dhalinta Blues

0
46

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul ka gaadhay Fulham oo ay ku garaacday 1-0, waxaanay usoo dallacday kaalinta siddeedaad ee horyaalka Premier League iyagoo sagaal dhibcood usoo jirsaday kooxda kaalinta afraad ee Arsenal.

Blues ayaa garoonkeeda Stamford Bridge ku qaabishay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Fulham oo uu xafiiltyan badan ka dhexeeyo, waxaase guusha cidhiidhiga ah ku hoggaamiyey saxeexooda cusub ee Cole Palmer oo waqtigii dheeraadka ahaa ee qaybta hore dhaliyey gool rikoodhe ahaa.

Qalad uu galay difaaca reer France ee Isa Diop ayaa waxa ay Blues ku aamintay Palmer oo dhaliyey goolkiisii sagaalaad ee uu u saxeexo Blues isaga oo sidaasna ku noqday ciyaartoyga ugu goolasha badan kooxdiisa.

Palmer

Ciyaarta oo ay inteeda bada maamulaysay Chelsea oo hoygeeda joogtay ayaa waxa Chelsea ay u ahayd markii ugu horreysay xilli-ciyaareedkan ee ay saddex kulan oo isku xiga oo horyaalka Premier League ah ay guuleystaan.

Conor Galalgher ayaa u dhowaaday in uu hoggaanka usii dheereeyo Chelsea laakiin nasiib-darro kubbad fooli ahayd oo uu ku qabtay oo uu xerada ganaaxa ka helay ayaa birta kaga dhacday, ka hor intii aanu Willian fursad dahabi ahayd ka luminin oo uu birta dul-mariyey.

Goolhaye Petrovic ayaa diiday in kooxdiisa la barbarreeyo kaddib markii Pereira uu orod kusoo dilay Thiago Silva oo uu kubadda usii dhiibay Jimenez, balse waxa badbaadiyey goolhaye Petrovic.

Raheem Sterling ayaa ay birtu ka dafirtay kubbad ay isku dhiibeen Caicedo iyo Broja o uu laacibka reer England meel cidlo ah oo xerada ganaaxa ah ka helay, taas birta kaga dhacday.

Colwill ayaa sidoo kale fursad fiican ka khasaariyey kooxdiisa markii uu xerada ganaaxa dhaxdeeda ka helay kubbad uu birta dul-mariyey.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Chelsea ay yeelatay 31 dhibcood, waxaanay sagaal dhibcood ka dambaysaa Arsenal oo kaalinta afraad kaga jirta horyaalka Premier League.