Real Madrid Oo Usoo Gudubtay Finalka Spanish Super Cup Iyo Dagaalkii Atletico Madrid Oo Oohin

0
62

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa iska xaadirisay finalka Spanish Super Cup oo ay ku sugayso Barcelona iyo Osasuna midkooda soo guuleysta Khamiista, kaddib markii ay 5-3 ku garaacday Atletico Madrid oo si adag ugula dagaallantay magaalada Riyad.

Kooxda tababare Carlo Ancelotti ayaa qosolka ku dambaysay, waxaanay oohin ku sagootiday Diego Simeone iyo xiddigaha kooxdiisa oo waqtigii dheeraadka ahaa is-dhiibay isla markaana ogolaaday in Real Madrid ay koobka u tartanto, iyaguna dib ugu laabtaan waddankooda Spain.

Ciyaartan oo ay labada kooxood iska dhaliyeen siddeed gool ayaa u muuqanaysay in rikoodheyaal lagu kala bixi doono, laakiin afartii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ayay Real Madrid keentay laba gool oo quus ka dhigay tababare Diego Simeone iyo xiddigihiisa.

Atletico Madrid ayaa gool kaga naxsatay Real Madrid daqiiqaddii toddobaad ee bilowga ciyaarta, markaas oo uu Hermoso hoggaanka ugu dhiibay kubbad madax ahayd oo uu dhulka ugu dhuftay Kepa oo aan wax fursad ah u helin inuu badbaadiyo.

Laakiin Real Madrid ayaa laba gool oo daran-doorri ah ugu jawaabtay daqiiqadihii 20aad iyo 29aad, waxaana u kala dhaliyey labada difaac ee Antonio Rudiger iyo Ferland Mendy.

Ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada ayay Atletico Madrid la timid gool labaad oo qurux badnaa oo uu u saxeexay Antoine Griezmann oo dhinac isku-raaciyey saddex ciyaartoy oo Real Madrid ah oo meel qaldan u wada orday markii uu kubadda ugu qabtay, isla markaana darbad xooggan oo lugta midig ah ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Kepa.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Real Madrid sare usoo qaadday ciyaarteeda, waxayse awoodi weyday inay jabiso derbiga adag ee difaaca Atletico Madrid halka Jan Oblak uu sidoo kale kubbado badan badbaadiyey.

Daqiiqaddii 78aad ayay Atletico Madrid u dabbaal-degtay gool saddexaad oo ay hoggaanka ciyaarta dib ugula wareegeen oo uu si qaldan iskaga dhaliyey Antonio Rudiger iyadoo Kepa uu xajisan waayey kubbad uu gacmaha la haleelay laakiin uu cidhiidhi kala kulmay Morata.

Shan daqiiqadood ka hor dhamaadka waqtiga caadiga ah ee ciyaarta ayaa Dani Carvajal uu ciyaarta ka dhigay barbarro 3-3 ah isagoo kubbad uu badbaadiyey Oblak oo mar kale kusii dhacday difaaca uu darbad xooggan oo lugta midig ah ku weydaariyey.

30 daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ciyaarta ayay Real Madrid ku xaqiiqsatay guusha ciyaarta oo ay ku dhalisay laba gool.

Weeraryahanka reer Spain ee Joselu ayaa kubbad uu madax ku qabtay daqiiqaddii 116aad, waxa goolhaye Oblak weydaariyey Savid oo ay kusii dhacday, waxaanay sidaas Real Madrid hoggaanka ugu qabatay 4-3.

Daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta ayaa Atletico Madrid ay heshay koorne, waxaana soo galay Oblak oo madax la helay kubadda laakiin waxay ku dhacday difaaca Real Madrid, iyadoo kubaddaas ay mar kale Atletico dib usoo dhistay balse ay mar kale difaaca Real Madrid iska saareen, waxaana Oblak oo badhtamaha garoonka joogay oo ay ka baxsatay kubaddu orod kaga dheereeyey Brahim Diaz oo goolkiisa u weydaariyey, sidaas ayaanay Real Madrid 5-3 ugu garaacday Atletico Madrid.

Real Madrid ayaa finalka la ciyaari doonta Barcelona iyo Osasuna midkooda soo badiya ciyaartooda Khamiista berri.