DEG-DEG: Jadon Sancho Oo Ka Tegay Manchester United

0
75

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer England ee Jadon Sancho ayaa gaadhay waddanka Germany oo uu kaga biirayo kooxdiisii hore ee Borussia Dqortmund, waxaanu soo afjaray waqti adag oo uu kusoo qaatay Manchester United oo laba sannadood iyo badh ka hor kasoo iibsatay Dortmund.

Jadon Sancho oo dibedda ka joogay Manchester United tan iyo bishii September oo ahayd waqtigii ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag ayaa goordhoweyd gaadhay waddanka Germany oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono Borussia Dortmund.

Khamiista ayaa loo qorsheeyey in uu tijaabada caafimaadka mario, waxaana uu markaas kaddib saxeexi doonaa heshiis amaah ah oo uu dib ugu laabto kooxdiisa hore ee Borussia Dortmund.

Heshiiskan amaahda ah oo soconaya illaa bisha June ee sannadkan, ayaan lagu darin in Dortmund ay si rasmi ah ula wareegi karto marka uu dhamaado qandaraaskiisa amaahda ah, taas oo ka dhigan in uu di ugu soo noqon doono Old Trafford.