Phil Foden Oo Shaaciyey Sababta Aanay Man City Wax Koobab Ah Ugu Guuleysanayn Xilli-ciyaareedkan

0
107

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer England ee Phil Foden ayaa sheegay in kooxdiisu ay halis ugu jirto in xilli-ciyaareedka ay faro-madhnaan ku dhamaysato oo aanay wax kobab ah ku guuleysanin, waxaana uu sharraxay sababata oo ah mid macquul ah oo ay dad badan ku waafaqsan yihiin.

Manchester City oo kaalinta saddexaad kaga jirta horyaalka Premier League ayaa mar horeba ka hadhay tartanka Carabao Cup oo semi-finalka ay iskugu soo baxeen kooxaha Chelsea, Fulham, Liverpool iyo Middlesbrough.

Waxa kale oo ay af-libaax ku jiraan tartanka FA Cup oo ay wareeggiisa afraad isku dhaceen Tottenham oo ay midkood ka bixi doonto tartanka iyadoo waliba hal kulan oo kaliya lagu go’aaminayo natiijada kooxda soo gudbaysa.

Lix ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo bishii December ay ciyaartay ayay Manchester City ka heshay toddoba dhibcood oo kaliya, taas oo ka dhigan inay lumiyeen 11 dhibcood, waxaana Phil Foden oo saxaafadda la hadlay uu sheegay in kooxdiisu ay quus noqon doonto haddii aanu taam u ahaanin Kevin De Bruyne oo dib usoo laabtay ciyaartii Axaddii ee Hudersfield Town ee FA Cup.

Phil Foden oo la hadlayay website-ka kooxdiisa ayaa yidhi: “Qof walba waxa uu ku ducaysanayay inuu soo laabto De Bruyne. Haddii aanu doonayno in aanu koobab ku guuleysano, waxa aanu u baahanahay isaga (De Bruyne). waxa uu ka mid yahay cyaartoyda ugu wanaagsan adduunyada, mana jiro qof qaban karaya shaqadiisa.”

De Bruyne ayaa xilli-ciyaareedkii hore ee ay saddexda koob ee Premier League, Champions League iyo FA Cup ay kooxdiisu ku guuleysatay waxa uu saftay 49 ciyaarood, halka sannadkan dhamaadayna uu isugeyn u ciyaaray 52 kulan.