Liverpool Oo Si Fudud Ku Heshay Beddelka Trent Alexander-Arnold Oo Jilibka Ka Dhaawacmay

0
66

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si fudud ku heshay ciyaartoyga u beddelaya difaaca midig ee muddada dhaawaca jilibka ah u jiifaya ee Trent Alexander-Arnold oo la sheegay in illaa afar usbuuc uu garoomada ka maqnaan doono.

Trent Alexander-Arnold ayaa xilli ciyaareedkan aan ku koobnayn difaaca midig oo kaliya, waxaana marar badan laga ciyaarsiiyey khadka dhexe oo uu usoo guuro iyadoo ciyaartu socota, si uu weerarka kooxdiisa u xoojiyo.

25 jirkan ayaa caawiyey sagaal gool oo ay kooxdiisu dhalisay, waxaanu ku daray laba gool oo uu isagu saxeexay 25 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay naadigiisa, isaga oo ka mid ah ciyaartoyda ugu hal-abuurka badan horyaalka Premier League.

Bandhiggiisii fiicnaa ee uu ku jiray Trent Alexander-Arnold, waxay Liverpool ka caawiyeen inay saddex dhibcood oo nadiif ah ku hayaan hoggaanka horyaalka Premier League, waxaase ay nasiib-darro ku dhacday ciyaartii wareegga saddexaad ee FA Cup ee ay 2-0 kaga badiyeen Arsenal maalintii Axaddii, taas oo Trent Alexander-Arnold dhaawac jilibka ah kasoo gaadhay.

Jurgen Klopp ayay madax-xanuun ku noqon doontaa maqnaanshaha Trent Alexander-Arnold, laakiin waxa durba muuqata in uu helay beddelkiisa oo uu ku tijaabin doono ciyaarta Carabao Cup ee Arbacada habeen dambe.

Xiddiga da’da yar ee Conor Bradley oo bandhig cajiib ah ka sameeyey 15 daqiiqadood oo ciyaartii Arsenal ee Axaddii uu beddel kusoo galay, waqtigaas oo Trent Alexander-Arnold khadka dhexe uu tegay, ayaa noqon doona ciyaartoyga ay Liverpool u isticmaali doonto beddelka Trent Alexander-Arnold.

Conor Bradley oo u dhashay Norther Ireland ayaa kusoo viiray Liverpool sannadkii 2019 oo ay kala soo wareegeen naadiga yar ee Dungannon Swifts, laba sannadood markii uu joogayna waxa ciyaartiisii koowaad ee kooxda waaweyn ee Liverpool uu u saftay kulan ka tirsanaa wareegga Group-yada Champions League oo ay AC Milan la ciyaareen.

Kaddib waxa amaah loogu diray Bolton oo xilli-ciyaareedkii hore ee 2022/23 uu bandhig heersare ah kasoo sameeyey, waxaana dhamaadka sannadkii tegay uu Reds u saxeexay heshiis cusub oo waqti dheer ah.

Bradley kuma koobna difaaca midig oo kaliya, laakiin waxa sidoo kale uu ka ciyaaraa garabka midig, waana sababta uu Bolton ugu dhaliyey toddobada gool, lixda kalena u caawiyey 53 kulan oo xilli-ciyaareedkii tegay ah oo uu u saftay.

Falanqeeyeyaasha ciyaaraha ayaa ku tilmaamay ciyaartoy maankiisu la socdo weerarka oo kubadda hore u wada, waana isla tabta uu yahay Alexander-Arnold, balse waxa la eegi doonaa sida uu isku muujiyo toddobaadyada uu maqan yahay Trent Alexander-Arnold.