WAALA TAAJIRAY!! 11ka Tababare Ee Lacagta Ugu Badan Ka Sameeya Baraha Bulshada

0
108

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daraasad la sameeyey ayaa muujiyey tababareyaasha lacagta ugu badan ka sameeya baraha bulshada iyo shabakadaha Internet-ka, gaar ahaan barta OnlyFans, waxaana kasoo baxay magacyo lama filaan ah oo aanay cidina kusii xisabatamin inay kasoo muuqaanayaan.

Barta OnlyFans oo hore loogu faafin jiray dhaqan-xumada, ayaa waxa markii dambe ay isku beddeshay meel dadka caanka ah lagu soo bandhigo oo ay lacago ka sameeyaan.

Nick Kygrios oo kusoo biiray bartan ayaa waxa uu dadka ku xidhan u sharraxaa sida ay iskugu diyaarin karayaan noloshooda dhinaca ciyaaraha iyo qaab nololeedkooda, halka kuwo kalena muuqaallo ay leeyihiin iyo qoraallo ay kusoo bandhigaan.

Daraasad ay samaysay FootyAccumulators ayaa waxa ay soo bandhigtay 11ka tababare ee lacagta ugu badan ka sameeya sannadkii bartan iyaga oo isku xidhaya dadka kala socda Instagram-ka.

Tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa sannadkii ka sameeya bartan lacag gaadhaysa £162 milyan oo Gini, halka uu Wayne Rooney soo galay kaalinta labaad oo uu kaliya £62.5 milyan ka sameeyo sannadkii, waana lacag aad uga hoosaysa inta uu Zidane ka sameeyo.

Arrinta cajiibka ah ayaa waxa ay tahay, in Carlo Ancelotti ay bishii kasoo gashay bartan lacag dhan £4.3 milyan oo Gini,

Halkan kaga bogo 11ka tababare ee lacagta ugu badan ka sameeya OnlyFans: