RASMI: Atlético Madrid vs Real Madrid, Girona vs Rayo vs Barca vs … Isku-aadka Wareegga 16ka Copa del Rey Oo Lagu Dhawaaqay

0
61

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Taariikhdii Copa del Rey ee xilli-ciyaareedkii 2022-23 ayaa dib isku soo celisay. Kaliya hal koox oo naadiyada heerarka hoose ama afraad ah ayaa usoo gudubtay wareegga afraad ee tartanka oo ah 16 kooxood.

Naadiga yar ee Uionista de Salamanca ayaa usoo gudbay wareega lixaad markii ay Axaddii soo garaaceen Villarreal, laakiin waxa ay ku dhaceen Barcelona oo ay isku beegen wareegga afraad ee tartanka.

Ciyaarta ugu adag ee wareegga afraad ee tartanka Copa del Rey dhici doonta waa kooxaha isku magaalada ah ee Real Madrid iyo Atletico Madrid oo isku dhacay, waxaana midkood ay usoo gudbi doontaa wareegga xiga, halka midka kalena uu tartanka macasalaamayn doono.

Real Madrid oo ah kooxda koobka difaacanaysa ayaa waxa uu tarababare Carlo Ancelotti sheegay in sannadkii hore markii ay kooxdiisu ku guuleysatay koobkan uu farxad badan siiyey, isla markaana uu ka badbaadiyey inay xilli=ciyaareedkoodaas faro-madhnaan ku dhamaystaan.

26 maalmood gudahood ayay Real Madrid iyo Atletico Madrid kulamayaan, waxaanay Arbacada wada ciyaari doonaan semi-finalka Spanish Super Cup, kaddibna 17ka bishan January ayay ciyaartooda Copa del Rey ku kala calaf-qaadi doonaan garoonka Wanda Metropolitano, halka February 4 ay ciyaarooda labaad ee horyaalka LaLiga ee xilli-ciyaareedkan ay dheeli doonaan.

Isku aadka oo dhamaystiran

 Unionists of Salamanca vs Barcelona

 Tenerife vs Mallorca

 Getafe vs Seville

Osasuna vs Real Sociedad

Valencia vs Celtic

Athletic vs Alavés

Atlético de Madrid vs Real Madrid

Girona vs Rayo Vallecano