YAA INKAARAY? Christopher Nkunku Oo Dhaawacmay Iyo Pochettino Oo Xaqiijiyey Muddada Uu Maqnaanayo

0
67

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyey in uu dhaawacmay xiddiga reer France ee Christopher Nkunku oo uu dib ugu laabtay dhaawac uu kasoo kabtay bishii hore, isaga oo hore u jiifay illaa bilowgii xilli-ciyaareedka.

Christopher Nkunku ayaa ka maqnaaday ciyaartii xalay ay guusha 4-0 ah ka gaadheen Preston ee tartanka FA Cup, waxaana iyadoo aanay Blues hore ugu sii sheegin saxaafadda laga dhax-waayay liiska xiddigaheeda kulanka Christopher Nkunku.

Mauricio Pochettino oo kaddib ciyaartii xalay wax laga weydiiyey Nkunku iyo Romeo Lavia ayaa ku jawaabay: “Run ahaantii waa xaalad adag, waxa aanu ku jirnaa duruufo adag tan iyo bilowgii xilli-ciyaareedka. Waa run in uu dhaawacmay Nkunku, Lavia uu maqan yayay, sidoo kalena Broja ay wax soo gaadheen. Mararka qaarkood way kugu adkaanaysaa inaad u sharraxdo taageereyaashayada.

“Marka aan ka hadlo arrinta Nkunku, ma doonayno in aanu culays saarno isaga. Waynu ognahay sida ay u adkaanayso kaddib dhaawacii waqtiga dheer. Lix bilood ayu garoomada ka maqnaa, haddana shalay ayuu tababarka ku dhaawacmay, waanaynu eegi doonaa waqtiga uu kasoo kaban karayo iyo in uu diyaar noqon karayo kulamada soo socda.”

Christopher Nkunku oo muddo shan bilood ah u jiifay dhaawac muruqa ahaa oo kasoo gaadhay ciyaarihii saaxiibtinimo ee bishii August ee ka hor intii aanu bilaabmin xilli-ciyaareedku, ayaa waxa uu kusoo laabtay kooxdiisa oo uu kulankii ugu horreeyey u saftay ciyaartii Newcastle ay barbarraha 1-1 ah la galeen December 19.

Laacibkan oo ay Chelsea £52 milayn oo Gini kaga soo iibsatay RB Leipzig, ayaa waxa uu hadda liiska dhaawacyada kula biirayaa Reece James, Wesley Fofana, Marc Cucurella, Robert Sanchez, Ben Chilwell, Benoit Badiashile, Carner Chukwuemeke iyo Romeo Lavia.