Sababtii Ay Manchester United U Diidday Inay La Saxeexato Timo Werner Oo La Ogaaday

0
60

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner ayaa dib ugu laabanaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League bishan January, waxaana uu amaah ku tegayaa Tottenham oo dhamaystirtay heshiiskiisa taas oo keenaysa inuu ka hor tago kooxdiisii hore ee Chelsea ee uu labada sannadood u ciyaaray balse markii uu la qabsan waayey uu dib ugu laabtay waddankiisa.

27 jirkan oo sannadkii 2020 ay Chelsea kasoo iibsatay RB Leipzig ayaa labadii sannadood ee uu joogay Stamford Bridge waxa uu u dhaliyey 23 gool 89 kulan oo uu u saftay, laakiin waxa uu kula guuleystay Champions League, UEFA Super Cup iyo Fifa Club Wolrd Cup, ka hor intii aanay RB Leipzig ku iibsanin £25.3 milyan oo Gini, halka sannadkii 2020 ay Chelsea kaga iibisay £47.5 milyan oo Gini.

Hadda waxa uu Timo Werner dib ugu noqonayaa horyaalka Premier League isaga oo ka hoos ciyaari doona tababare Ange Postecoglou, sida uu xaqiijiyey tababaraha RB Leipzig ee Marco Rose, laakiin laacibkan ayaa tegi karayay Manchester United oo haysatay fursad weyn oo ay bishan January kula wareegto.

Red Devils oo weeraryahankii ay lacagta badan kasoo bixisay xagaagii ee Rasmus Hojuland uu hal gool oo kaliya oo horyaalka Premier League ah uu u dhaliyey illaa hadda, sidoo kalena Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Antony ay ku silcayaan garoomada oo ay illoobeen sidii goolasha loo dhalinayay, ayaa waxa ay go’aansatay in aanay la saxeexanin Timo Werner.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano, Sababta ay Manchester United ula saxeexan weyday Timo Werner ayaa ah in aanay hubin in uu laacibkani kusoo bixi karayo kooxdooda iyo in kale, sidaas daraadeed ayaanay uga hadheen.