Erik ten Hag: “Inaan Ceyriyo Cristiano Ronaldo Uma Hurdo Seegin Xitaa Hal Habeen”

0
83

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Erik ten Haf ayaa sheegey in ceyrintii uu ceryiyay Cristiano Ronaldo uusan u hurdo seegin xitaa hal habeen.

Tababaraha Manchester United ayaa qaatay go’aamo waa weyn tan iyo markii uu shaqada la wareegay oo ay ku jirto inuu kooxda ka diray Ronaldo.

Markii la weydiiyay haddii ay anshax xumo ka jirtay Man United, Ten Hag ayaa ku jawaabay: “Wey ka jirtay – kuma qasbani inaaan been ka sheego wixii jiray.

“Ciyaartoyda sarsarre waxay u baahan yihiin nidaam, kaliya ma ahan garoonka dhexdiisa sidaasi darteed waxaad u baahan tahay sharciyo.

“Koox kasta ama shirkad kasta oo aan laheyn sharciyo ama anshax, ama aan sharciyada la ixtiraameynin, waxay abuurtoo isku dhex yaac.
“Mideena way iska cadeyd sababtoo ah garoonka dhexdiisa ayaad ku arki kartay waxa socda.”

Ten Hag ayaa kaliya seddex kulan hogaamiyay Man United ka hor inta uusan Ronaldo ka saarin shaxdiisa kulan ay la ciyaarayeen kooxda caawa la ciyaarayaan ee Liverpool.

Waxay calaamad u aheyd waxa ku soo socday Ronaldo oo loo arkay inuu saameyn xun ku yeelanayo ciyaartoyda, waxaana kooxda laga diray markii uu ku weeraray wareysi uu bixiyay.

Tababaraha reer Holland ayaa yiri: “Waxaa jiray sababo aan u diray Ronaldo, waana ogaa cawaaqibta ay yeelan karto haddii natiijada ay noqon laheyd mid xun.

“Laakiin walwal iguma heynin, umana hurdo seegin.

“Waan ku qasbanaa inaan qaato go’aamo lagu horumarinayo kooxda. Waan ku qasbanaa inaan wajaho maxsuulka go’aamadeyda iyo saameyntooda.”

Tan iyo markii Ronaldo kooxda laga ceyriyay, United way isbedeshay, waxayna haatan u tartamayaan afar koob iyadoo mid ka mid ah ay durba gacanta ku dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here