Hordhac: Liverpool vs Man United – Murqo Weyntii Ingariiska Oo Anfield Ku Balansan, Xogta Kulanka Iyo Shaxaha Labada Kooxood.

0
82

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Labada kooxood ee ugu guulaha badan kubada cagta Ingariiska ee Liverpool iyo Manchester United ayaa caawa ku balansan garoonka Anfield, waana kulan si weyn loo wada sugayo.

Liverpool wuxuu hamigoodu yahay inay ka mid noqdaan afarta sarre ee u soo baxeysa Champions League halka Manchester United ay lugta kula jirto tartanka horyaalka iyadoo ay ka horeeyaan Man City iyo Arsenal.

Labada kooxood ayaa kulmaya xilli ay guulo soo gaareen kulankoodii ugu danbeeyay. Liverpool waxay 2-0 ku soo garaacday Wolves halka Man United ay guul soo laabasho 3-1 ka gaartay West Ham kulankii FA Cup.

Kulanka: Liverpool vs Man United

Garoonka: Anfield
Garsoore: Andrew Madley

Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika

MAXAA KA CUSUB?

Liverpool ma qabto wax dhaawacyo cusub ah oo ay ka walwalayaan ka hor kulanka adag ee ay caawa la ciyaarayaan kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United.

Arthur Melo, Thiago, Luis Diaz iyo Joe Gomez ayaa weli dhaawacyo ku maqan.

Daafaca Manchester United Luke Shaw ayaa la qiimeyn doonaa ka dib markii uu dhaawac ku seegay kulankii FA Cup ee ay ka badiyeen West Ham United.

Jadon Sancho ayaan isaguna ciyaarin kulankii bartamaha isbuuca sababo la xiriira xumad heysan halka Donny van de Beek, Christian Eriksen iyo Anthony Martial ayaa iyaguna weli dhaawacyo ku maqan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Bajcetic; Salah, Gakpo, Nunez

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Varane, Martinez, Shaw; Casemiro, Fred; Antony, Fernandes, Rashford; Weghorst.

MA OGTAHAY?

Liverpool lagama badinin lixdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ee ay Anfield kula ciyaaren Man United, seddex way badiyeen, seddexna barbaro ayay galeen. Markii ugu danbeysay ee United ay Anfield ku badiso kulan horyaalka ah waxay aheyd bishii Janaayo 2016kii markaasoo ay 1-0 ku badiyeen.

Rikoodhka Man United ay sideed jeer minan iyo marti ay garaacday Liverpool horyaalka Premier League waa midka ugu badan ee koox kasta oo ay ka horyimaadeen. Waxay caawa ka badin karaan minan iyo marti markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2015-16.

United ayaa dhalisay kaliya hal gool todobadii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdeen Anfield tartamada oo dhan. Waxay ku guuldareysan karaan inay shabaqa ku soo taabtaan garoonkaan markii afaraad oo isku xiga waxayna noqon doontaa markii ugu horeysay ee ay sidaas ku dhacdo tan iyo 1992kii.

Man United ayaa badisay kaliya afar kulan oo ka mid ah 17 kulan oo ay ka horyimaadeen Jurgen Klopp intii uu ahaa tababaraha Liverpool tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here