Crsitaino Ronaldo oo si Rasmi ah ugu biiray Kooxda Al Nassr.

0
137

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Cristiano Ronaldo ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka Sacuudi Areebiya ee Al Nassr.

Ronaldo ayaa si rasmi ah ugu wareegay kooxda Al Nassr isagoo u saxiixay qandaraas labo sannadood ah uu sannadkii ku qaadanayo 200 milyan doolar.

Xiddiga reer Portugal oo 37 sanno jir ah ayaa si xor ah uga tagay Manchester United bishii la soo dhaafay ka dib markii la kansalay qandaraaskiisa.

Mar sii horeysay caawa ayuu hishiiska saxiixay Ronaldo, laakiin goor dhaweyd ayaa si rasmi ah loo shaaciyay.

Kooxda Al Nassr ayaa si rasmi ah hishiiska ugu dhawaaqday iyagoo soo bandhigay Cristiano Ronaldo oo dhinac ka haya maaliyadiisa cusub ee No.7 ee uu u xiran doono kooxda Al Nassr.

Ronaldo ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u wareegayo Sacuudi Areebiya tan iyo markii qandaraaskiisii Manchester United la kansalay.

Waxaa sidoo kale lala xiriirinayay kooxda Sacuudiga ka dhisan ee Al-Hilal laakiin wuxuu ka doortay haatan Al Nassr.

Wareysigii uu siiyay Piers Morgan ayuu Ronaldo ku xaqiijiyay inuu xagaagii iska diiday dalab uga yimid Sacuudi Areebiya oo uu isbuucii ku qaadan lahaa 3 milyan ginni.

Cristiano Ronaldo ayaa soo gabagabeeyay waayihiisa ciyaareed ee Yurub isagoo ku guuleystay shan abaalmarin oo Ballon d’Or ah, shan Champions League, abaalmarino badan oo gooldhalin ah iyo weliba horyaalo oo ku qaaday seddex ka mid ah shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.