Hordhac: Man City v Everton ee Horyaalka premier league, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka.

0
138

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City oo wali eryanaysa kooxda hoggaanka haysa ee Arsenal ayaa caawa qaabilaysa dhigeeda Everton kulan lagu ballansan yahay Etihad Stadium.

Kaddib laba guulood oo ay kasoo gaadheen Liverpool iyo Leeds United, Sky Blues ayaa kulankan dheeli doona kahor ciyaarta Arsenal caawa la leedahay Brighton.

Pep Guardiola ayuu markale ka maqnaan doonaa daafaca dhexe ee Ruben Dias oo dhaawac qaba halka Julian Alvarez oo Koobka aduunka Argentina kula soo guuleystay uu hadda uun soo laabtay.

 

Walker iyo Cancelo ayaa garbaha daafac kusoo bilaaban kara bedelka Lewis iyo Ake, halka ay khadka dhexe kusoo wada bilaaban karaan markale Rodri, Gundogan iyo De Bruyne.

Jack Grealish ayaa markan ka dib dhici kara Phil Foden halka Bernardo Silva garabka midig Riyad Mahrez kula tartami doono.

Everton ayay ka maqnaan doonaan Andros Towsend, James Garner iyo Mason Holgate, kooxda tababare Frank Lampard ayaa la filayaa inay shax ciyaareedka 4-3-3 kusoo gasho.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

 

Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Akanji, Laporte, Cancelo; De Bruyne, Rodri, Gundogan; Silva, Haaland, Foden

Everton (4-3-3): Pickford; Patterson, Coady, Tarkowski, Mykolenko; Iwobi, Onana, Gueye; Gordon, Calvert-Lewin, Gray

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Andrew Madley