RASMI: Barcelona oo xaqiijisay saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang

0
207

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ugu dambeyn si rasmi ah ugu dhowaaqday inay lasoo saxiixatay Pierre-Emerick Aubameyang kaasoo maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga burburiyay qandaraaskii uu kula jiray Arsenal.

Aubameyang ayaa si xor ah ugu biiray Barca maadaama uu ahaa koox la’aan kaddib markii uu burburiyay heshiiskiisii Gunners, waxaana kooxda Camp Nou ku ciyaarta uu u saxiixay qandaraas 18 bilood ah.

Blaugrana ayaa xiddigan ku dhawaaqeysa iyadoo uu xirmay suuqa kala iibsiga hase ahaatee, waxaa ogolaanaya xiriirka Spain maadaama uu kabtanka xulka qaranka Gabon yahay mid xor oo aanan koox la jirin.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa dhinaca kale baraheeda bulshada kusoo bandhigtay muuqaal kooban oo uu Aubameyang kaga hadlayo sida uu ugu faraxsan yahay ku biirista Barca iyo sawirrada laacibkan, xilli uu shalayba la bilaabay tababarka.