Fernando Morientes oo shaaca ka qaaday xilliga la filayo in Mbappé uu ku biiro Real Madrid

0
231

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeyga kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Fernando Morientes ayaa sheegay inuu filayo in xiddiga naadiga Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé uu dhawaan u dhaqaaqi doono garoonka Santiago Bernabéu.

Qandaraaska Mbappé ee kooxdiisa Paris Saint-Germain waxa uu dhacayaa xagaaga 2022, labada dhinac ayaana heshiis ka gaadhin dib u cusboonaysiinta qandaraaska, halka Real Madrid ay u muuqato meesha ugu macquulsan ee uu u dhaqaaqi karo xiddiga da’ada yar ee reer France.

Wargeyska Sport ee dalka Spain ayaa daabacay wareysiga Fernando Morientes, wuxuuna yiri:

“Mbappe wuxuu aadi doonaa Madrid sanadka soo socda, wax badan ayaan ka maqlay kooxda iyo Florentino Pérez.”

“Madaxweynaha kooxda wuu jecel yahay sababtoo ah waa mid qaas ah, wuxuu ka ciyaari karaa sanado badan Real Madrid.”

Mbappé ayaa u dhaqaaqay kooxda uu hadda joogo ee Paris Saint-Germain sanadkii 2017, isagoo kaga soo biiray Monaco, tan iyo markaas waxa uu kooxda PSG kaga qayb qaatay 199 kulan, isaga oo u dhaliyay 151 gool, wuxuuna ka caawiyay saaxiibadiis 77 gool.