Dabeylo Waxyeello Geystay oo Ka Dhacay Gobolka Jubbada Hoose

0
216

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Hoose sheegaya in dabeylo xooggan oo halkaasi ka dhacay ay gaarsiiyeen qaar kamid ah dadweynaha ku nool magaalada Kismaayo.

Dabeylaha ayaa wararku sheegayaa in ay burburiyeen in ka badan 60 guri kaddib markii uu bacaad/camuud badani ku soo rogmaday. Guryaha ayaa la sheegay in ay degganaayeen qoysas dhawaandib uga soo noqday xeryaha qaxootiga dalka Kenya.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne ayaa VOA-da u sheegay in ay gaadiid gurmad u direen guryaha dumay si dib looga rogo bacaadka isaga oo intaa ku daray in maamulka Kismaayo uu ku howlanyahay gacansiinta qoysaska dhibaatadu gaartay.

Guddoomiye Faraweyne ayaa dhibaatad halkaa ka dhacday ku tilmaamay mid aanu maamulka kaliga ku filleyn wax ka qabashadiisa waxa uuna ganacsatada Jubbalaan iyo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaatan gurmadka.