Madaxa Bangiga Dhexe oo ka warbixiyay hannaanka lacag bixinta mideysan ee bangiyada dalka

0
210

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Bangiga Dhexe C/raxmaan Maxaed C/laahi oo manta ka qeybgalay barnaamijka kulanka todobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay hannaanka lacag bixinta mideysan ee ay wadaagaan bangiyada dalka

Guddoomiyuhu waxa sheegay in lagu guuleystay hannaanka isku xiran ee bangiyada,sidaa daraadeedna ay waajib tahay in dadka lala wadaago,iyadoo la xafidayo ayuu yiri hantida shacabka ee taallaa 13 bangi gaar ah  oo xiriir wanaagsan la leh Bangiga Dhexe.

Mudane C/raxmaan Maxaed C/laahi waxa uu xusay in waajibaadkooda qaran uu yahay hubinta adeegyada ay bixiyaan bangiyada gaarka ah iyo sida ay ugu dhaqmaan shuruucda lagama maarmaanka ah ee u degsan  maamulada guud ahaan bangiyada.

Guddoomiyaha, mar uu ka hadlaayey soo saaridda lacago cusub oo shillin soomaali ah waxa uu qiray in ay socdaan diyaargarow ku aadan howshaasi,sidaa aawadeedna ay rajeynayaan in waqtiyada soo socda lagu guuleysto soo saaridda lacago cusub.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe C/raxmaan Maxaed C/laahi waxa uu rajeeyay in sanadka soo socda la helo Koboc dhaqaale oo aad u wanaagsan ,inkastoo ayuu yiri cudurka Covid 19 uu saameyn ku yeeshay ganacsigii caalamka iyo isu socodkii dadka.