Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka oo ka wadahadlay Xiisadda Ukraine

0
224

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka ayaa khadka isgaarsiinta ee taleefanka ku yeeshay wadahadal socday qadar saacad ah,kaas oo looga hadlay xiisadda ka taagan dalka Ukraine .

Putin ayaa u sheegay Biden in in cunaqabateynta cusub ee lagu soo rogo ay horseedi karto burbur buuxa oo ku yimaada xiriirka labada dal,isagoo intaa raaciyay in cunaqabateyntaan ay noqon doonto “khalad weyn”.

Mr Biden ayaa dhankiisha u sheegay Mr Putin in Mareykanka iyo xulafadiisa ay jawaab adag ka bixin doonaan duulaan kasta oo lagu qaado Ukraine.

Wadahadaladaan oo uu dalbaday Madaxweynaha Ruushka ayaa ah kuwii labaad ee dhexmara labada madax bil gudaheed,kaas oo socday ku dhawaad ​​hal saac.

Wadahadaladaan ayaa ah dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu qaboojinayay xiisadda ka taagan xuduudda bari ee Ukraine ay la wadaagto Ruushka, halkaas oo la tilmaamay in ay joogaan 100,000 oo askari oo Ruush ah oo loo diray.

Dhinaca kale, Ruushka, ayaa beeniyay inay qorsheynayaan inay duulaan ku qaadaan dalkaas, waxayna sheegeen in ciidammadu ay halkaas u joogaan dhoola-tusyo mileteri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here