G/ ku xigeenka Degmada Kismaayo oo kormeeray dhismaha wadooyinka laamiga ah.

0
78
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiye ku xigeenka Degmada Kismaayo ahna xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Mudane Daahir Xuseen Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tagay qeybo ka mid ah wadooyinka ay dhismaha kasocdaan ee mashruuca Nagaad ee wajiga labaad ee dhismaha wadooyinka.
Xiligan Magaalada Kismaayo waxaa si habsami leh uga socda dhismaha wadooyin laami ah oo bulshada ay baahi weyn u qabto, Gudoomiye kuxigeenka degmada iyo xubno kale ayaa tagay halka hadda uu kasocdo daamurka madow ee wadada lasaarayo wuxuuna warbixin ka dhagaystay howlwadeenada gacanta ku haya dhismaha wadooyinka.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya