Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iiraan, ayaa ku wargelisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Nukliyeerka in ay qorsheynayso in ay ku rakibto in ka badan 6,000 oo dheeraad ah oo kobcinaya Uranium-ka warshadahaheeda, taasoo keeni doonta in tiro badan horey ugu jiray khadka ay ku biiraan, sida lagu sheegay warbixin sir ah oo ay soo saartay hay’adda IAEA Khamiistii.
Warbixinta wakaaladda tamarta nukliyeerka caalamiga ah ee IAEA, oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa faahfaahisay waxa Iiraan ula jeeday markii ay sheegtay inay ku dari doonto kumannaan Uraniam ah aladeeda. Tani waxay ka jawaabaysaa qaraar ka dhan ah in 35-ka waddan ee golaha sare ee IAEA ay meel mariyeen usbuucii hore codsi ka yimid Britain, France, Germany, iyo Maraykanka.
Awood dheeraad ah oo kobcin ah macnaheedu waa in Iiraan ay si dhakhso ah u hodmin karto uranium-ka, taasoo suurtogal ah inay kordhiso khatarta fidinta nukliyeerka. Iiraan ayaa beenisay inay raadinayso hub nukliyeer ah, laakiin quwadaha reer galbeedka ayaa sheegaya in aanay jirin sharaxaad madani ah oo lagu tayeynayo uranium-ka ilaa 60% nadiif ah, taasoo ku dhow 90%, heerka loo baahan yahay si loo sameeyo hubka nukliyeerka, taasoo aan wadan kale samayn karin iyada oo aan la soo saarin bam nukliyeer ah.