WARBIXIN: Waa Maxay Sababta Denmark Ugu Dhamaystay Meel Ka Saraysa Slovenia Group-ka C Ee Euro 2024.

0
13

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Group-kii ugu caajiska badanaa tartanka Euro 2024 ayaa soo dhamaaday iyada oo kulankii ugu dambeeyay lagu kala baxay bar-baro gool la’aan ah.

Guul Kaliya ayaa laga gaadhay Group-ka iyada oo guushaas kaliya gaadhay xulka England oo ka badiyay xulka Serbia.

Si kasta ha ahaatee arin la yaab leh ayaa ka jirta arinta iyada oo Denmark ku dhamaystay meel ka saraysa xulka Slovakia.

Inkasta oo ay isku dhibco yihiin labada xul, sidoo kale isku mid ka yihiin farqiga goolasha hadana Denmark ayaa ka saraysa xulka Slovenia.

Sababta uu Denmark uga sare maray xulka Slovenia inkasta oo ay isku mid ka yihiin wax walba ayaa ah in uu xulka Denmark ka sareeyay dhigiisa Slovenia ku dhamaystay meel ka saraysa kulamadii is reeb-reebkii tartanka loo soo galay.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in xulalka Slovenia Iyo Denmark isku dhibco ahaayeen is reeb-reebkii Euro 2024 sidoo kale wax walba ka simanaayeen dhinacaas.

Waliba waxa la odhan karaa Slovenia ayaa Denmark kaga fiicnayd dhinaca goolasha la kala dhaliyay kulamadii reeb-reebka.

Laakiin dhinaca uu xulka Denmark kaga fiicnaa Slovenia ayaa ahayd in ay 4 dhibcood ka qaateen is reeb-reebkii Euro 2024 taas oo keentay in uu xulka Denmark ku dhamaysto meel ka saraysa Slovenia Group-ka C ee tartanka Euro 2024.