Supercomputer Oo Saadaaliyay Xulalka Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Euro 2024 Kadib Wareega 16-ka.

0
20

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kadib kulamo xiiso leh oo la ciyaaray kulamadii wareega Group-yada waxa la isku diyaarinayaa kulamada wareega 16-ka.

16 Xul ayaa iska xaadiriyay wareega xiga ee tartanka Euro 2024.

Xulalka Hungary, Scotland, Croatia, Albania, Serbia, Ukraine & Poland ayaa ku laabtay Guryohoodii kadib markii ay ka hadheen tartanka.

Kadib markii la soo saaray isku aadka wareega 16-ka euro 2024, Supercomputer ayaa saadaaliyay xulka ku guulaysan doona euro 2024.

Supercomputer ayaa xulka England siiyay fursada ugu fiican ee ku guulaysiga euro 2024 iyaga oo helay 20% fursad ay ugu guulaysan karaan tartanka.

Waxa ku xiga xulka Spain oo haysta 17.2% fursad ay ugu guulaysan karaan euro 2024.