Qaramada Midoobay oo dalbatay in la ilaaliyo shaqaalaheeda Gaza

0
17

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa u sheegay Israa’iil inay joojinayaan hawlaha gargaarka ee guud ahaan Gaza, haddii aan la qaadin tillaabooyin degdeg ah oo si wanaagsan looga ilaalinayo shaqaalaha binii’adan-nimada weerarrada Israa’iil.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa codsaday in aan magacyadoooda la sheegin iyadoo ay jiraan wada xaajood u socda iyaga iyo saraakiisha Israel.

Ciidanka Israa’iil ayaa diiday in ay ka hadlaan Talaadadii digniinta kama dambeeysata ee Qaramada Midoobay, wasaaradda difaacana kama soo jawaabin codsiyo loo diray in ay arinta ka hadlaan.

Israa’iil waxay qiratay qaar ka mid ah duqaynaha militari ee lagu qaaday shaqaalaha bini’aadantinimada, oo uu ku jiro weerar bishii April lagu dilay toddoboka tirsana shaqaalaha Jikada Dhexe ee Dunida waxayna beenisay eedeeyno kale. Israa’iil ayaa sheegtay in duqeeyno kasta oo noocaas ah yihiin kuwa khalad.

Dhaleeceynta caalamiga ah ayaa sii kordhaysa ee dagaalka Israel ay kula jirto Xamas ee Marinka Gaza iyadoo Falastiiniyiinta ay wajahayaan gaajo daran oo baahsan.

Dagaalkan oo socday siddeed bilood ayaa inta badan waxa uu jaray isu gudubkii cuntada,daawooyinkii iyo agabka aasaasiga ah ee Gaza,waxaana dadka halkaasi ku dhaqan ay hadda gabi ahaanba ku tiirsan yihiin gargaarka.