Dowladda Sacuudiga oo ku dhawaaqday tiro hor-leh oo ah xujeyda sanadkaan geeriyootay

0
14

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay tirada dhismahasda xujeyda sanadkaan oo korortay isla markana gaartay ugu yaraan 1,301 oo qof. Dadka geeriyooday ayaa badankood lagu sheegay kuwa aan helin ruqsad ay ku soo galaan dhulka barakeysan, iyadoo wakhti badanna ay soo lugeeyeen.

Lugtaas dheer ayaana sababtay iney la kulmaan kuleyl xad-dhaaf ah oo horseeday dhimasho.

Xujeyda ayaa sanadkaan gudanayay waajibaadka xajka xilli ay wajahyeen kuleyl daran oo gaarayay 50 digree.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in in ka badan afar-meelood meel dadka dhintay aysan haysan oggolaansho rasmi ah oo u oggolaanayay inay halkaas joogaan, waxayna ku socdaaleen kuleyl daran, iyagoon helin adeegyadii muhiimka u ahaa si ay uga gaashaantaan kuleylka iyo caqabadaha kale.