Maxkamadda ICJ oo Isra’il ku amartay in ay joojiso duullaankeeda Rafax.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Garsoorayaasha Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay ayaa Jimcihi ku amray Isra’il, in ay si deg deg ah u joojiso weerarka ay ku qaadday magaalada Rafax ee Marinka Gaza, hase ahaatee Isra’il waxay sheegtay in ay sii wadi doonto weerarka ay ku qaadday Rafax.

Xukunka deg degga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa ka danbeeyay kaddib marki ay ay dowladda Koofur Afrcia todobaadki hore maxkamadda geystay dacwad ka dhan ah duullaanka ay Is’aril ku qaadday Rafax, si loo badbaadiyo bay tiri nolosha boqollaal kun oo Falastiiniyiin rayid ah.

Maxkamadda ICJ ayaa sidoo kale ku amartay Isra’il in ay furto marinka isku xiro Rafax iyo Masar, si gargaarka bani’aadannimo loo geliyo Gaza. Ciidanka Isra’il ayaa xiray Marinka Rafax dhawaan.

Amarka Maxkamadda ayaa waxaa ansixiyay 13 ka mid ah 15-ka garsoore ee qaadiyaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Waxaa diiday, garoore u dhashay Ugana iyo garsoore kasoo jeeda Isra’il.

Isra’il si adag ayay uga hortimid go’aanka maxkamadda, sidoo kalana been iyo wax lagu yaaq-yaaqsado ku tilmaantay eedda ay u jeedisay South Africa ee ah in Isra’il ay Gaza ka waddo xasuuq.

South Africa ayaase go’aanka maxkamadda soo dhaweysay. Waxaa sidoo kale soo dhaweeyay maamulka Falastiiniyiinta. Xamaas oo maamusha Gaza ayaa qeyb ahaan soo dhaweysay go’aanka ICJ, balse sheegtay in qeyb ahaan dhameystirneyn, mar haddii bay yiraahdeen ay Isra’il wali dagaal ka waddo qeybo kale oo ka mid ah Gaza.